Maxamed Amiir oo soo afjaray sheegashadii MUUNGAAB

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo afjaray sheegashada duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo haatan u dabaal-degay waxqabadkiisa muddo ku siman 100 maalmood oo uu haayo xilka, tan iyo markii lasoo magacaabay.

Amiir oo ka hadlay qorshaha gobolka Banaadir iyo waxqabadka uu Muungaab sheegtay ayaa gebi ahaan meesha ka saaray, wuxuu isna shacabka xasuusiyay waxqabadkiisii, isaga oo ku faanay inuu hormariyay caasimada, waxna ka qabtay biyo ka qaadida waddooyinka, nadaafadda guud ee caasimada, amniga, badbaadinta Bulshada iyo qodobo kale ayuu sheegtay inuu wax ka qabtay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhisay waddooyin muhiim ah oo uu haatan shaaciyay guddoomiye Muungaab inuu dib u dhisay, waxaana kamid ah waddooyinka uu sheegtay (Soobe, Kaaraan), dib-u-bilow iyo dhammeystir (Sh. Cali Suufi, Dabakaayo Madow, Via Mosco, Cadale, Dabkaโ€“Bakaaraha.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrinta dhulalka, isaga oo sheegay inuu hakiyay bixinta dhulalka danta-guud, uuna ka hortegay barakicinta shacabka.

“Bixinta dhulalka waan hakiyay si looga hortago barakicinta masaakiinta loon diyaariyo nidaam casri ah oo Digitaal ah” ayuu qoraalkiisa ku yii Duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeysitan;-

100 Maalmood Maxaan Muqdisho ka qabtay?

Manta gobolka 100 Maalmood ayaan ka sii maqanahay Gobolka Banadir, waxaan is iri bal dib u milicso wixii aad Gobolka qabatay100 maalmood ee ugu horreyey ee aad Gobolka Banadir hogaamineysay.

Mudadii aan hoggaanka Gobolka hayay, waxaan xooga saaray in Muqdisho isbeddel muuqda ka hirgalo:

  • Biyo & Nadaafad: Meelihii biyaha fadhiyeen waa laga shaqeeyay oo dhamaan waraha biyo qabdka leh waa wada nadiif waa in la ilaliyaa inaysan buuxsamin oo aysan biyaha jidka ku soo celinin.
  • Badbaadinta Bulshada: Dabka soo noqnoqday waa yaraaday oo waaaxda Dabdamiska ayaan Casrioyeynay oo ka hortag sameyn karta.
  • Amniga: Booliska & Nabadsugidda ayaa la xoojiyay oo waxaan u kordhinnay qoondada, waxaana qorshaheennu inaan gaarsiiyo heer ay isku fillaadaan dhinaca maaliyadda.
  • Waddooyinka: Dhagax-dhig cusub (Soobe, Kaaraan), dib-u-bilow iyo dhammeystir (Sh. Cali Suufi, Dabakaayo Madow, Via Mosco, Cadale, Dabkaโ€“Bakaaraha).
  • Mashruuca Nagaad: Dib-u-dhiska biyo-mareennada iyo isku-xirka degmooyinka, si cadaalad ah loo maamulay. Ogow raggii sida wanaagsan u maamulay Maanta Sh Cumar ayaa ka haray intii kale waa la eryey oo khibardooda ayey eersadeen.
  • Dhulka Caasimadda: Bixinta dhulalka waan hakiyay si looga hortago barakicinta masaakiinta loon diyaariyo nidaam casri ah oo Digitaal ah.
  • Qorsheyaal Casri ah: Jidka Villa Somalia ilaa Marina Gate iyo waddooyin kale oo muuqaal cusub siinaya magaalada iyo Martida Madaxtooyada qaranka u socota ayaan casriyeynay.
  • Nalalka Taraafikada: Mashruuca Doobin ilaa KM5 Soobe diyaar ayuu ahaa in la furo 15 Juun, maantana uu dhamaad ahaado. Welina lama taaban oo alaabtiisa dekedda ayey dhex taallaa.
  • Warta Siigaale : diyaar ayey ahayd in la qabto Qandaraas caddaalad ah lacagtii waa u helnay,

Waddooyinka shaqadooda horey aan u dhaqaajinnay:

Kaaraan (Waddada Keysaney), Shangaani (3 Geed), Xamarweyne (Arbaca Rukun โ€“ Via Roma), Vera-Somalo (Nasiib Buundo โ€“ Villa Somalia), Dayniile (Degmada Dayniile), Isgoyska Banaadir โ€“ Isbitaalka Madiina, Kalkaal (Degmada Kaxda), iyo Via Moosko oo dhamaad ah. Dhamaantood hadda waa socdaan waxay u baahan yihiin oo kaliya in habraaca la ilaaliyo.

Muqdisho waa dhaxal, waa masuuliyad, waa mustaqbal. Waxaan ku faraxsanahay in 100-kii maalmood ee shaqadaydu socotay inay bulshada u horseedeen horumar muuqda.

Gobolka iyo shaqaalihiisa ma noo darsadeen misa waa naga raysteen? Bal aragtidaana nala wadaag qofka waxaa lagu qiiimeyee inuu kala soocan karo aragti iyo qofka ee noo kala sooc. Aniga iyo Gud. Muungaab ha nagu mashquulin magaaladan u nax ee fekerkaaga wax qabadka ku salee, haddaadan ka naxayn caasimaddaย  iska dheh wixii afkaaga soo qabto.

- Advertisement -

Read more

Local News