Amiir Sacuudiyaan ah: Ma dheera xiligii xukunka laga tuuri lahaa Bin Salmaan

Riyadh (Caasimada Online) – Dadaallada Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku doonayo in Falastiiniyiinta ay ku aqbalaan heshiiska Mareykanka ee Qudus loogu wareejinayo Yahuudda, ayaa waxa uu kaga gol leeyahay inuu ku hormariyo xiriirka uu la leeyahay Israel, waxaa sidaas sheegay amiir Sacuudiyaan ah oo magan-galyo ku jooga Jarmalka.

Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay in Bin Salmaan uu ky shaqeynayo aragti ku dhisan daacadnimo 100%, si uu xukunka Sacuudiga u qabsado.

Wareysi uu siiyey wargeyska Alkhaleej Online, ayaa Bin Farhan waxa uu shaaca ka qaaday in Bin Salman uu doortay Abdulaziz Al-Saud, oo ka mid ah wiilasha Amiir Faysal bin Bandar, oo ah amiirka Riyadh, si uu noqdo dhaxal-sugaha , marka isaga uu boqorka noqdo, oo uu beddelo aabihiis.

Waxa uu intaas ku daray “Dhaxal-sugaha cusub waa mid tabardarran oo uu indho u yahay Maxamed Bin Salman”

Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa shaaca ka qaaday in carro xoogan ay ka dhex jirto boqortooyada, aadna looga xun yahay ficillada Bin Salman, isaga oo intaas ku daray “Waqti yar un ayaa naga xiga ka hor inta aan xukunka laga tuurin Maxamed Bin Salman”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com