RASAAS mar kale maanta laga maqlay TUKARAQ iyo xaalada halkaa oo cakiran

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xiisada ayaa xoogeede ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in dadkii ku harsanaa deegaanka ay goordhow isaga carareen.

Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ka wadaan gudaha deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Xiisadan ay timid kadib markii labada maamul ay ciidamo dheeraad ah  ku daabuleen jiida hore ee dagaalka.

Rasaas goosgoos ah ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceyso jiida hore ee dagaalka, iyadoo rasaastaas ay bilabeen ciidamada Puntland oo saacadihii ugu danbeeyay la kordhiyay.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee Gobolka  Sool, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsanin.

Dhinaca kale, dadka haraadiga ku ahaa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen guryahooda waxaana maanta cabsi xoogan ay ka jirtaa deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com