Guuleed oo ku baaqay hal arrin oo cusub kadib markii lasii daayey Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tallaabada ay dowlada Ethiopia kusii deysay  Sarkaalka ONLF Qalbi Dhagax.

C/kariin Xuseen Guuleed,oo bogiisa Facebook kaga hadlay arrinta Qalbi Dhagax, ayaa sheegay inay ahmiyad gaara u leedahya inuu maqlo sii deynta Qalbi Dhagax.

C/kariin Xuseen Guuleed, waxa uu sheegay in Qalbi Dhagax markii hore lagu dhiibay qaab khaldan, balse ay nasiib tahay in sahalkii shalay lagu xiray maanta lagu soo daayay.

Waxa uu Guulleed, farta ku goday in deysmada Qalbi Dhagax ay farxad galineyso dhinacyo badan, halka qaar kalane ay ku noqoneyso arrin layaab ah, balse waxa uu ku baaqay in Qalbi Dhagax looga hoydo falkii loo geystay.

C/kariin Xuseen Guuleed, waxa uu cadeeyay in Qalbi Dhagax laga dhex saaray dadkii iyo dalkiisa balse iminka ay Ethiopia garwaaqsatay in falka xarigiisa uu ahaa mid aan sax aheyn.

Dhinacyada ka qeybqaatay sii deynta Qalbi Dhagax ayuu sheegay inay leeyihiin amaan gaara, waxa uuna u mahad celiyay dhinacyadaasi oo uu sheegay inay muujiyeen garasho gaara.

Sidoo kale, C/kariin Xuseen Guuleed,ayaa Qalbi Dhagax ugu baaqay inuu u mahad celiyo allihii u sahlay deysmadiisa, waxa uuna cadeeyay in deysmada Qalbi dhagax ay tahay guul usoo hoyatay inta wanaaga xorriyada la raadineysay Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com