Amiir Tamim oo digniin u diray wardoonka dowlado dhowr ah oo billaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, oo ay xiganeyso warbaahinta Qadar ayaa sheegay in dowladiisa ay ka fiirsan doonto go’aanada ay Khilaafka ka qaadanayaan Xulafada Sacuudiga.

Amiir Tamim, ayaa sheegay in dowladiisu ay qaadi doonto talaabo lid ku ah dowladaha is baheysiga Sacuudiga, haddii aan laga joojin xadgudubyada dhanka wardoonka.

Waxa uu Tamim cadeeyay inay sii kordhayaan Wardoonka ay Xulafadu u adeegsaneyso Qadar, kuwaa oo uu carab dhabay inay leeyihiin midabo kala duwan.

Waxa uu sheegay in Qadar ay weli qadarineyso sharciyada adduunka, si taa la mid ahna Xulafada looga doonaayo inay u tixgaliyaan sharciyada adduunka.

Waxa uu ku goodiyay inay xadeyn doonaan sabarkooda ku aadan khilaafka, wuxuuna ku baaqay in fiiro gaara loo yeesho khilaafka ay gadaal ka riixeyso Sacuudiga.

Waxa uu tilmaamay inuu hoos u dhacay dhaqaalaha Qadar, Xiriirka dibadda iyo Ganacsiga, waxa uuna u sababeeyay Khilaafka aan xalka laga gaarin ee weli kala dhexeeya xulifada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sidoo kale, Tamim ayaa dowladaha reer galbeedka iyo kuwa ka madaxbanaan Siyaasada ugu baaqay inay la socdaan daandaansiga Xulafada Sacuudiga, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu gacmaha ka laaban doonin.

Haddalka Tamim ayaa imaanaya xili dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay warbaahinta mariyaan fariimo xiisad u abuuri karta Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com