Amiirka Qatar “Waxaa naga go’an la dagaalanka argagixisada iyo kuwa cadowga ku ah Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay is garabtaageyso dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, oo ah Amiirka Qadar ayaa sheegay in dowladiisa ay Siyaasad wanaag la cayaari doonto Dowlada Somalia.

Amiirka Qadar Sheekh Tamiim, ayaa tilmaamay in Somalia ay ku eegi doonaan il gaara, isla markaana ay ka caawin doonaan dhinac waliba oo si gaara ay u daneynayaan.

Sheekh Tamiim ayaa yiri ‘’Wey naga go’an tahay inaan u hagar baxno Somalia, waxaan muujin doonaa dadaal waliba oo aan amni iyo hormar ku gaarsiin karno Somalia’’

Sheekh Tamiim, ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay dhexda u xiran doonto sida ay ku walaaleyn laheyd shacabka Qatar iyo Somalia.

Sidoo kale, Sheekh Tamiim, ayaa sheegay in Somalia ay ku garabsiin doonaan la dagaalanka argagixisada iyo dhammaan dalalka cadowga ku ah Horumarka iyo Xasiloonida Somalia.

Haddalka Sheekh Tamiim, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay dhabarka xijisay dowlada Imaaraadka Carabta isla markaana isku dhiibtay Qatar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com