Muxuu Caddow Cali Gees ka yiri weerarkii lagu qaaday hoygiisa ku yaala dekadda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada NISA ayaa maalin un ka hor weerar ku qaaday Hooyga uu Dekadda magaalada Muqdisho ka degan yahay Xildhibaan Caddow Cali Gees.

Xildhibaanka ayaa xiliga uu dhacaayay weerarka howlgalka ah ka maqnaa dalka, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu qaatay saacado badan.

Weerarka kadib Xildhibaanka oo lagu wargaliyay qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegay inuusan garaneynin sababta loogu xadgudbay Hooygiisa, isagoo leh xasaanad.

Haddaba Caddow Cali Gees ayaa qoraal kooban uu ka sameeyay weerarka lagu qaaday Hooygiisa kusoo daabacay bogga uu facebook ku leeyahay waxa uuna u qornaa sida tan:-

Waqti badan waxan geliyay fal shalay oo bishu aheyd 19ki April 2018 ay ciidanka nabadsugidda ku weerareen xafiis aan ku lahaa dekedda Xamar maadaama aan waddanka ka maqanahay si aan xaqiiqda u ogaado.

Waxa ogaaday in weerarkaas uu dhab ahaa, haddaba *NISA* iyo cidi soo amartayba, iyagoo ogsoon inaan ahay xildhibaan qaran oo ayna jirin meel xasaanadi xildhibaanimo la igaaga qaaday ama haddaan sikale u dhigo falka noocaas oo kale ey suurtageli karto marka ay jirto fal dembiyeed uu markaa xildhibaanka uu gacanta kula jiro ama hoygiisa iyo xafiisyadiisa ay ka dhacayaan laakinse iyadoon intaaba jirin uu falkaa ee hab dhaqanka nidaamka dawladnimo ka fog lagula kacay xarunteydaas!

Inkastoo habdhaqankan uu nagu soo kordhay marki dawldan aan xildhibaanka ka ahay ay hawlgashay ayaa waxey tahay arrin aad uu welwlineyso qofkasta ay ku weyntahay sidi soomaaliya loogu soo celin lahaa nidaamka dawladnimo maadaama falalkan oo kale ay ahaayeen wixi qaranimadeeni dumiyay.

Mar aan sii fogeyn bey aheyd marki siyaasi gurigiisa si sharcidarro ah loo weeraray habeen madow, askar aan wax galbsana lagu weeraray kadibna dhaawici la gestay caay loo raaciyay… waxa xigay maalin cad in senator gurigiisi la weeraray, reeekiisana la argagax geliyay, cid ka diimoon majirto weeraradi sharcidarrada ahaa ee dawlad goboleedyada qaar lagula kacay iyo qaarki sida hoose loo dibindaabyeeyayba, haddaba, soomaaliya dhaqanki shalay burbiriyay laguma dhisi karo iyadoo mid ah leysugu heynwaayay…!

Dhanka dawladda wax iga soo gaaray ineysan waxba ka ogeyn falka dhacay, baarisna ay ku hayaan wixi ka dambeeyay! Waa arrin beryahan ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya, falka dawladda ma oga, ciidankana hawlgalkoodu rag tillmaaman buu baacsadaa…

Dawladnimo iyo dhaqankeed ma arko laakin dembiyadaa magaca dawladnimo lagu gelaayo mid nidaam dawli ah dhisi doonto uma eka mana leysaga daba hari doono, dadka rabana in soomaaliya kala tagto ficiladooda qaldan ma noqon doonaan mid wax u dhinta in qaran soomali oo sharciga cidkasta ka sareeyo la dhiso hakisa..

Waabilaahi Towfiiq

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com