Xog: Wasiirka difaaca xukuumada Somalia oo lagu wado inuu iscasilo + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in is casilaad uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Wararku waxa ay tibaxayaan in gudaha asbuucan uu is casili doono Wasiirka Gaashandhiga, si uu uga qeybqaato doorashada Kursiga uu baneeyay Jawaari.

Wasiir Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xilka isaga casili doona si uu xooga u saaro doorashada kursiga uu baneeyay Guddoomiyihii  baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada uu baneeyay Jawaari.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa iminka wada dadaalada uu ku gaari lahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, waxa uuna garab ka helayaa Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia.

Sidoo kale, Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo uu la qaadanaayo Xildhibaanada baarlamaanka si uu u ogaado suuragalnimada in xilka Guddoomiyenimo uu heli karo.

Docda kale, Guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa wada xulista xubnaha qaban qaabin lahaa Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com