Amisom: Awoodda 1aad ee Soomaaliya waa annaga (Maxay la macno tahay?)

Muqdisho(Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay isku sheegay inay yihiin awooda koowaad ee dalka Soomaaliya, kadib markii ay ka hadleen howlgaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

General Dick Olum, taliyaha ciidamada AMISOM ee Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka ayaa sheegay inay yihiin awooda koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana ay sahlan tahay inay hub ka dhigis ka sameeyaan cid walbaa oo isku dhajisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay cadowgooda u aqoosan doonaan dadka ka hor yimaadaa awaamiirtooda ayna u sahlan tahay dhankooda inay hub ka dhigis ku sameeyaan dadka ku sugan magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa cadeeyay in dalka Soomaaliya ay u joogaan fulinta awaamiirta dowlada Soomaaliya ayna taageeri doonaan wax walbaa oo kasoo baxa dhanka dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay yihiin ciidamada ku xiga Nabad sugida, meletariga iyo ciidamada booliska dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan oo isku mid ah ula dagaalami doonaan dadkii marada dowlada ka hor yimaada.

Caasimada@live.com