Muxuu JAWAARI ka yiri xidlhibaannadii PUNTLAND tagay iyo tallaabadooda? !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo dhaweeyey wax uu ugu yeeray doorkii muuqday ee ay qaateen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Puntland.

“Guddoon ahaan aad ayaan u soo dhaweyneynaa shaqada muuqata ee ay Xildhibaannadu haddiiba u guntadeen xallinta khilaafaadka soo ifbaxay laga soo bilaabo bartamaha bishan August 2014 ee ay ku abuureen jawi isku soo dhowaansho loogu gogol xaarayo wadahadal toos ah oo ay yeeshaan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed” ayuu yiri Jawaari..

“Sida uu qabo Qodobka 61aad ee Dastuurka Dalka, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxay u gudanayaan waajibaadkooda sida ay danta Qaranku ku jirto iyada oo waajib gaar ah ka saaran yahay deegaan cod-bixiyeyaasha ay ka soo jeedaan, wuxuu Guddoonka Golaha Shacabka ku bogaadinayaa Xildhibaannada sida hagar la’aanta ah isaga xilqaamay inuu wadahadal ka dhex bilowdo DFS iyo Puntland”.

Sidoo kale Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadinayaa Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay usoo dhaweysay in wadahadal la furo, is fahamna laga gaaro wixii kala fikir duwanaansho ah.

Ugu dambeyntii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu si dhow ula soconayaa ka miradhalinta dadaalka Xildhibaannada bilaabeen wuxuuna ku dhiiragelineynaa labada dhinac iney si degdeg ah u gadagalaan wadahadallada , isfaham buuxana ka gaaraan wixii kala fikir duwanaansho ah muddada 30ka maalmood ah gudahood.

Caasimada@live.com