25.2 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dal dadkiisu ay geerida naxariista leh u degdegayaan oo sii kordhayso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Daraasaad maanta la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in dad badan u socdaalaan dalka Switzerland si ay uga helaan geeridda loogu magac daray Geeridda Naxariista oo qofkii doonayo lagu dilayo.

Dadka u dhashay Jarmalka ayaa la sheegay inay yihiin dadka ugu badan ee u socdaala dalka Switzerland si loogu fududeeyo inay geeriyoodaan.

611 qof ayaa safarka geeridda naxariista leh lagu fuliyey sannadkii 2012-kii, iyadoo 268 qof ahaayeen kuwo u dhashay dalka Jarmalka.

Kaalinta Labaad waxaa galay dalka Britain, iyadoo 126 qof oo u dhashay dalkaasi lagu fuliyey geerida loogu magac daray geeridii naxariista.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska The Journal Medical Ethics ayaa sheegay in dadka lagu fuliyey geeridaasi 60% ahaayeen haween.

Xigasho: thelocal.de

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News