Somalia oo askar ku deqday qorshe ay ciidamo gaar ah ku yeelaneyso AFRICA

Kigali(Caasimada Online) – Magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda waxaa ka socda shir ay lee yihiin taliyaasha 10 dal oo Afrika ku yaalla, waxaana ay ka arrinsanayaan siddii ciidamo gaar ah oo cudud leh loogu sameyn lahaa qaarada.

Haddaba qorshaha wuxuu yahay siddii loo heli lahaa 5000 oo millitari rag ah iyo afar qeyb oo boolis ah midkiina uu ka kooban yahay 140 askari, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadlay dowladda Rwanda.

Ciidamadan ayaa la rabaa in lagu dhiso ilaa sannadka 2015-ka waxaana la doonayaa in ay noqdaan ciidamo gaar ah oo marka ay dhibaato ka dhacdo dal ku yaalla gobalka isla markiiba loo diro.

Wax yaabaha laga shiraayo waxaa ka mid ah siddii waddan kasta uu u bixin lahaa dhaqaalaha ku baxaya askartan kaddibna deeq bixiyaasha loo qeylo dhaamiyo si ay gacan uga geestaan kaalmeenta qorshaha Afrika ay wadato.

Dal kasta waxaa laga doonayaa in uu muddo 14 cisho ah uu bixiyo qarashka ku baxaya ciidamadiisa si ay ugu tagaan goobaha loo diraayo.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Jimciyada quruumaha ka dhexeysa Samantha Power ayaa leh Afrika waxaa ka go’an siddii ay u sameesan lahayd ciidamo nabad ilaalin ah oo gaar u ah.

Waxay sheegtay in caalamku uu ku taageeri doono qorshahaas cusub ee Afrika la timid.

Burundi ayaa guuto ciidamada lugta ku deeqay qorshahan cusub, halka, Uganda, Rwanda, Tanzania iyo Ethiopia ay bixiyeen ciidamo wata gaadidkooda dagaalka, Kenya ayaa guuto wadata qalabkeeda ku deeqday howlgalkan cusub, waxaa kaloo tiro ciidamo bixiyay Comoros, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Caasimada@live.com