DAANYEERO DAD KU CUNAY GEDO !!

Gedo(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaano ka hoostaga gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad abaaro oo daran ay ka jiraan deegaanada gobolkaasi.

Deegaanka Yaaqle oo kamid ah deegaanada gobolka Gedo ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaarta ugu daran, iyadoo la sheegay inay gaartay heer ay is cunaan dadka iyo xayawaanada.

C/raxmaan Cismaan Axmed, gudoomiyaha deegaanka Yaaqle ayaa sheegay in raxan daanyeero ah ay dhaawacyo u geysteen labo ciyaal ah kadib markii ay weerareen dad badan oo biyo ka dhaansanayay goob ay ku hareen biyaha.

Daanyeerada ayaa la sheegayaa inay badnaayeen ayna weerareen dad badan oo biyo dhaansanayay, iyadoo abaartii ugu darneyd laga sheegayo deegaanada gobolkaasi.

“Daanyeerada biyo  ayay soo raadsadeen dadkana biyo meel ku haray ayay dhaansanayeen marka daanyeertii labo ciyaal ayay dhaawaceen hal dameerna wey cuneen”ayuu yiri gudoomiyaha deegaanka Yaaqle.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo hayadaha samafalka ka dalbanayaan inay wax ka qabtaan arimahaasi ka taagan gobolka.

Dowlada Soomaaliya ayaa gudi u xilsaartay abaaraha ka jira deegaanada gobolada Gedo iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com