Dhageyso: “Faarax C/qadir oo qodobo dastuurka dalka ka tirsan beddelaya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Suleyman Ilka-Case oo ka tirsan Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Dastuurka iyo Cadaalada Faarax C/qaadir uu wado Qorsho cusub oo uu ku bedelaayo Qodobada Dastuurka qaarkood.

Waxa uu sheegay in Faarax C/qaadir uu doonayo in Dastuurka loo badalo halkii uu taagnaa 2007, waxa uuna ka digay in leys daba-mariyo Dastuurka dalka ee ay Soomaalida ku heshiisay.

‘’Faarax waxa uu wadaa qorsho uu ku badalaayo Qodobo ka tirsan Dastuurka oo kasoo horjeeda Nidaamka uu isaga aaminsan yahay, waa nasiib daro in si sharci la’aan ah uu ku bedelo Qodobadaasi, isagoo aan kala tashan guddiyada Baarlamaanka, waxaana jirta dan uu arrintan ka lee yahay ” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim Suleymaan.

Ibraahim Suleeman Ilka case oo la hadlaayay Idaacada Kulmiye Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu Golaha Baarlamaanka ugu baaqay inay ka feejignaadan faragalinta uu Faarxa C/qaadir ku hayo Dastuurka, waxa uuna daaha ka rogay inaysan aqbali doonin in la faragaliyo Dastuurka xiligaani.

Dhanka kale, waxa uu Faarax C/qaadir ku eedeeyay inuu ka shaqeynaayo in dalka uu ku laabto halkii dhowr sano ka hor uu taagnaa.

Halkan ka dhageyso xildhibaan Ibraahim Suleymaan

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com