Puntland oo hubeyneysa Khaatumo & Somaliland oo walaac uu haysto (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-Xog-Ogaal ah oo  ka tirsan Maamulka Puntland ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu wado qorsho cusub oo uu isaga mashquulinaayo Maamulka Somaliland oo ay xurguf Siyaasadeed kala dhaxeyso.

Ilo-xog-Ogaalka ayaa sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas uu Saraakiisha Aqalka looga arrimiyo Maamulka Puntland ugu baaqay inay xiriiro dhow la sameeyan Maamulka Khatumo, si looga saacido dhanka Ciidamada iyo taabagalintooda, isagoona ku wacad maray Saraakiisha inuu dhan waliba ka saacidi doono Maamulka Khatumo, balse looga baahan yahay inay Deegaanadooda ka saaran Ciidamada Somaliland ee ku sugan goobo ka tirsan Deegaanada Khatumo.

Sidoo kale, wararku waxa ay hoosta ka xariiqayaan in Madaxtooyada Garoowe ay ku sugan yihiin Odayaal iyagu isku xir u ah Maamulka Puntland iyo Khatumo, waxaana la sheegayaa in Odayaashasi ay Garoowe ku sugan yihiin ku dhawaad Seddex Maalin, iyadoona ay Xogtu tibaaxeyso inay suuragal tahay in Madaxweynaha Mamaulka Khatumo Cali Khalif Galeyr casuumad loogu  sameyn doono Magaalada Garowe si loo dhiso xiriirkii lagu wiiqi lahaa Maamulka Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo iminka ku sugan Magaalada Addis Ababa, ayaa waxa uu saaxiib dhow la yahay Cali Khaliif oo ay xubno kawada ahaayen Ururka Qaswadayaasha Soomaaliyeed ee xarunta u aheyd Magaalada Nairobi.

Waxaa iminka lagu wadaa soo laabashada Madaxweyne Gaas, kadib in Magaalada Garoowe ay kulan ku wada qaatan Madaxweynaha Khatumo, iyadoona uu iminka socdo dadaalkii lagu wada kulansiin lahaa Labada Mas’uul.

Dhanka kale, Madaxweyne C/wali ayaa isagu ballan qaaday in Maamulka Khatumo uu ka saacidi doono Hub ay isaga caawin lahaayen Maamulka Somaliland oo fara kulul ku haya, wallow Madaxweyne Siilaanyo uu isaguna diyaariyay Ciidamo la dagaalama Cali Khaliif.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com