XOG CUSUB oo dhismaha MAAMULKA gobollada dhexe kusoo korartay (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb waxaa ka socda qabqabaada shirweyne lagu mideenaayo maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Afhayeenka maamulak Ximin iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu u diyaar garoobay qabashada shirka lagu dhisaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Wuxuu tilmamaay dadweynaha magaalada iyo maamulkooda in ay geed dheer iyo kuwa gaabanba ay u fuuleen siddii uu ku qabsoomi lahaa shirka, isagoona intaas ku daray in howlahaas ay meel gabagabo soo gaareyn.

“Inta badan howlihii la rabay in la qabto waa gabagabo, waxaana harsan hadda howlo farsamo iyo siddii qaabili lahaa ergooyinka soo gaaraya magaalada iyo goobaha ay dagayaan” ayuu yiri afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu kaloo sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu ku filan yahay martigalinta shirka isla markaana la diyaariyay ciidamo ammaanka suga.

Si kastaba, hadalka afhayeenka Ximin iyo Xeeb ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeyn warar sheegaya in ciidamo AMISOM la geyn doono magaalada Cadaado si ay ammaanka shirka u adkeeyaan.

Ximin iyo Xeeb waxay lee dahay ciidamo shisheeye ma dooneyno ee waan ku filanahay ammaanka shirka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com