Xog: DFS oo diiday inay Puntland kula hadasho Addis-Ababa (Waa 13% kaliya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku gacan seertay isku day ay Puntland ku dooneyso in wada hadallo u dhaxeeya labada dhinaca ay dhex dhexaadiso dowladda Ethiopia, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Sida wararku ay sheegayaan, Puntland ayaa dooneysa in khilaafka ay sheegtay inuu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhigto mid aad u weyn, ayna hesho fursad ay kula gorgorton dowladda Soomaaliya, oo ay ku heshay waxyaabo badan oo maamulada kale ee dalka ka jira aysan xaq u lahayn.

Ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Garoowe ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in Puntland ay Ehiopia ka codsatay inay wada xaajood u furto labada dhinac, si loo dhammeeyo khilaafka, ayna usoo dhacsato wax ay ugu yeertay xaqeeda.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya waa ay diiday qorshaha ceynkaas ah, ayada oo ku adkeystay inuusan jirin khilaaf sidaas u weyn oo u baahan in dalal shisheeye ay kala dhex galaan labada dhinaca.

“Dowladda Soomaaliya waxa aay aaminsan tahay inuusan jirin khilaaf weyn. Dastuurka ay Puntland sheegtay in la beddelay waxaa loo saaray guddi, arrinta maamulka gobollada dhexe-na waxa ay Puntland ku diiday waa gardarro, maxaa marka laga wada hadlayaa” ayuu yiri sarkaal ku dhow ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxa uu intaas ku daray in dowladduu aysan diidaneyn inay dhageysto qofkii cabasho qaba, balse ay dooneyso in ciddii wax tabaneysa ay Muqdisho timaada, lana dhageysto.

“Dowladda waxa ay u aragtaa baaqa wada hadalka Puntland ee Addis-Ababa arrin ay Puntland ku dooneyso inay isla meel dhigto dowladda, oo ay ku hesho ama uga saro marto maamullada kale ee dalka ka jira, taasna lama aqbali karo” ayuu sii raaciyey.

“Puntland waxa ay maamushaa 2 gobol iyo bar ka mid ah 18-ka dal ee Soomaaliya, haddaan xisaab ahaan kuu sheego waa 13.8% gobollada Soomaaliya, balse waxay dooneysaa in loola macaamilo sida inay 50% maamusho Soomaaaliya, oo ay dowladda wax la qeybsato” ayuu yiri.

“Dhibka ugu weyn ee haysta Puntland waxa uu yahay inaysan xaqiiqda ogeyn maqaamkeeda, ama ay ogtahay balse ay iska indho tireyso, waa inay ogaataa inay 2 gobol iyo qeyb ka mid ah Mudug maamusho, kadib ma dhici doonaan qeylo dhaantan tirade badan” ayuu yiri.

Maamulka Puntland ayaa inta badan khilaaf iyo qeylo la daba taagan dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidaan oo kale ay ku sameeyeen madaxweyne Shariif, waxaase ay degeen markii Farmaajo xilka laga qaaday loona dhiibay Cabdi Weli Gaas, taasi oo dad badan iminka ay aaminsan yihiin in waxa Puntland ay u qeylineyso ay jagada Ra’iisul wasaaraha tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com