Siyaasiga loo badinayo madaxtinimada 2016-ka oo dhaqaale uruurin billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, waxaa maalmahaani Dalka Imaaraadka Carabta ku sugnaa Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed oo xusul duub ugu jiro qabashada Madaxtinimada Dalka 2016-ka.

Shariif Sheikh Axmed oo mudooyinkaani ku sugnaa Dalka isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa la sheegayaa inuu soo dhaweyn Siyaasadeed ka helay Madaxda Dalkaasi, iyadoona uu bilaabay Cod uruurin uu ku sameynaayo Dowladihii ka taageeri lahaa Doorashooyinka la filaayo in sanadka 2016 ay ka dhacaan dalka.

Madaxweyne Shariif oo taageero xoogan ka heysta Dalalka Mareykanka, Britain, Turkiga, Imaaraadka iyo wadamo kale, ayaa waxa uu socdaalo ku mari doono dhowr dal oo iyagu aan ku qanacsaneyn Dowlada xiligaani ka talisa Dalka Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalka Imaaraadka ayaa la tilmaamayaa in dhaqaale xoogan uu ugu deeqayo Sheikh Shariif si uu uga qeybgalo Doorashada, waxa uuna  rajooyin ka muujinayaa inuu dhaqaale taa ka badan uu ka helo Dowladda Mareykanka oo isagu u bar-baarineysa qabashada xukunka Dalka.

Lama Oga halka uu gaari doono Ololaha Shariif Sheekh Axmed uu ka dhex wado Dalalka deeq bixiyayaasha, waxaase jirta in shacabka Soomaaliyeed ay badankood isku raaceen in Shariif uu kun jeer ka wanaagsanaa Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com