Amisom ma ahan aayaheenna – afar sababood oo muujinaya in aasaaskii dowladnimo uusan weli inoo dhismin!

Maalmaha nagu soo foolka leh waxaa la filayaa inuu qabsoomo Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, ammaanka goobta lagu qaban doono ayaana ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee laga hadlay maalmihii ugu dambeeyey.

Hadaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa arrintaan, anigoo isweydiiyey afar su’aal oo aan isleeyahay waa kuwa ka guuxaya maanka Soomaali kasta, jawaabaha ugu macquulsan ayeyna xambaarsan yihiin.

AMISOM ma tahay mid mudneed inay hogaanka u hayso amaanka halka lagu qabanaayo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari?

Hoolkii lagu doortay madaxweyne Farmaajo ayaa lagu qaban doonaa Mooshinka ugu kulul tan iyo markii maamulka haatan uu taliska la wareegay 8dii bishii Febraayo 2017kii.

Marka laga hadlayo qadiyadda Soomaalinimo, uma muuqato wax habboon in Amisom ay ku lug yeelato Mooshinkaan muhiimka u ah masiirka Soomaalida. Maxaa yeelay waxaa muuqaneysa in weli loo baahan yahay caawinaaddooda ka in k Abadan 10 sanno ah oo ay dalka joogeen Ciidamada shisheeye.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale niyadjab ku ah Ciidanka Qaranka, haatan waa cudud la isku halleyn karo, balse markale waxaa loo muujinayaa kalsooni xumo, taasoo niyadda kasii dileysa, inkastoo markii horaba uusan muraalkoodu fiicaneyn.

Ku darsoo kani ma ahan shir ama doorasho madaxweyne ee waa mooshin sida caadiga  ka mid ah shaqooyinka loo egmaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaase muuqata in marwalba oo ay madaxda dalku is-qoomaan loo baahdo farogelin shisheeye ha ahaato Beesha Caalamka ama Ciidanka Nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Wasaaradaha Amniga iyo Ganshaadhiga maxaa la gudboon marba hadii ay dhacday in lagu kalsoonaan waayay ciidamada Dowladda Federaalka?

Wasaaradaha ku shaqada leh amaanka dalka ee kala ah Wasaaradda Amniga iyo midda Ganshaadhigga ayaan wali ka hadlin xaglinta lagu xaglay in aysan dhaxdhaxad ka ahayn Siyaasadda xasaasiga ah ee dalka – tan haatan kama hadlin, xaaladaha xiggana uma diyaarsana.

Wasiir ku-xigeenka Aminga Qaranka ayaa maalin ka dib ka hadlay ciidamada uu Gudoomiyaha Baarlamaku ku sheegay kuwo la wareegay Golihii Sharci Dajinta, balse tallaabo ficil ah hadalkiisa sooma raacin.

Ciidamada Xooga ayaa loo yeeraa marka uu dalku galo xaalad ay ku filnaan waayaan Ciidamada Nabad Sugida iyo Boolisku ka dibna iyaga ayaa xasaliya amaanka goobo cayiman oo markaas xasrad ka tagan tahay balse taasi si toos ah ayaa loo hareer maray maadaama la magan galay Amisom.

Tani ma tahay mid u gogol xareyso sii joogista waqti dheer Amisom madama madaxda dalku ay u muuqdaan kuwo la kala ilaalinayo?

Faahfaahin dheer uma baahna, jawaabtuna waa ‘Haa’ – maxaa yeelay waxaa muuqata in Amisom loo muujinayey muhiimad aan caadi aheyn, halka la bahdilay qeybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka, sidaas darteed waa wax la filan karo inay qiyaas ahaan 10 sanno oo kale dalka sii joogaan loona muddo dheereeyo.

Jawaari ma isku aamini waayay  Ciidamo Soomaaliyeed, sababtuna maxay tahay?

Marka aan cabiro aratideyda jawaabtu waa ‘Maya’ – Balse Jawaari haatan bilowgii Khilaafkaan ayuu shaki muujiyey markii ciidan lagu xagliyey inay taabacsan yihiin Xukuumadda lagu wareejiyey ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Ciidankii horay u ilaalin jiray laga bedelay. Sidaas darteed, Jawaari wuxuu ku cawday in aysan Ciidankaan cusub dhex-dhexaad ka noqon karin xaaladda cakiran.

Jawaari wuxuu dalbaday in lasoo celiyo ciidankii horay u ilaalin jiray ammaanka Golaha Sharci-dejinta. Balse dheg jalaq looma siin, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay xildhibaannada oo dhan kala garanayaan. Ka dibna wuxuu door-biday inuu magan galo Amisom.

Gunaanadkii, Soomaalida oo looga bartay in gar walba oo adag ay geed hoostiis ku xallistaan, ciddii wax tabaneysana ‘Faataxada loo maro’ – Soomaalidii ku han-weyneyd ‘Soomaaliya Soomaali baa leh’ maanta moraalkoodu ma fiicna, marba haddii ammaanka oo aasaasi u ah Jiritaanka dowladnimo oo u muuqdo mid aan gacanteenna ku jirin.

Qalinkii: Xuseen Cabdi Mataan

AFEER: Aragtida Caasimada Online kama turjumeyso qormadaani, waxay u gaar tahay qoraaga ku saxiixan.