Daawo: Sidee reer Muqdisho u arkaan talaabada ay Kenya ku xalaaleysaneyso xadka Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ka taagan xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya,taa oo gaarsiisan heerkii ugu adkaa.

Xiisadaas ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay dib u bilaawdo derbiga ay ka dhiseyso xadka, iyada oo lagu eedeynayo in ay ku soo xadgudubtay dhulka Somalia.

Dowlada Kenya oo adeegsaneysa awood ayaa ciidamo soo dhoobtay Xadka ay lawadaagto Kenya kuwaa oo wata dabaabaad.

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxgaradka Balad Xaawo ay ku eedeeyeen in ay mas’uul ka yihiin dhibaatada ka taagan Magaaladaas,iyaga oo u fasaxay dowladda Kenya in ay ku soo xadgudubto dhulka Soomaaliya.

Odayaasha ku dhaqan magaalooyinka Muqdisho iyo Baled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa fariin adag u diray Madaxda ugu sareysa dalk iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxda ugu sareysa dalka ayey ugu baaqeen inay qaadan talaabo lid ku ah ficilka ay Kenya ku xalaaleysaneyso dhulka Soomaalida.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayey si gaara ugu baaqen inay cadeeyan sababta ay uga aamusan yihiin xadgudubka Kenya.

Waxa ay si wada jira u sheegeen in Xadka uu ka taagan yahay hawl ka culus mida ay haatan isha ku hayaan ee ah Mooshinka, loogana baahan yahay inay dhulkooda ka difaacdaan Kenya.

Sidoo kale, dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ku taliyay in xili hore ay dowlada Somalia qaado talaabo adag, iyagoo siyaabo kala duwan ugu goodiyay inay kula xisaabtami doonaan Madaxda sare.