Amisom oo arrin naxdin leh ka geysatay XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku jiiray wiil dhalinyaro dhagool ahaa.

Gaadiidka wiilkaasi jiiray ayaa maraayay agagaarka Garoonka Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkaasi oo ahaa dhagool ayaa lasoo sheegayaa in xaaladiisu ay tahay mid aad u liidato islamarkaana iminka lagu dabiibaayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in wiilkaasi uu gaariga ka jiiray qeybta danbe ee jirkiisa, islamarkaana uu soo gaaray burbur dhanka lafaha ah.

Ma aha markii ugu horeysay oo gaadiidka AMISOM ay dardaraan dhalinyaro Soomaaliyeed, hayeeshee waxaa arrinkaasi aan wax dhib ah u arkin DF Somalia oo iyadu sheeda kala socta ficilada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com