Xog culus: Ma Rabtaa in lagaa saaro warbixinta QM? + Aqri Magacyada siyaasiyiin laga saaray

Nairobi (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay diplomaasiyiin iyo rag kale oo ku dhow Dowladda Federaalka ah ayaa noo sheegay in warbixintii Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo musuq maasuqa ka jira.

Warbixinta ayaa waxaa ka maqnaa dad badan oo aad looga filayay in aay ka soo muuqdaan warbixintan.

Haddaba maxaa dhacay sideyse wax u dhaceen.

Masuuliyiinta faraha badan ee laga sugayay in aay ka soo dhex muuqdaan warbixinta ayaa waxaa ka mid ahaa
1. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya – Cabdisalam H. Cumar
2. Madaxa saadka Ciidanka XDS – Cabdulaahi Macallin Nuur
3. Wasiiru dowlaha Maaliyadda – Cabdulaahi Maxamed Nuur
4. Duqa Magaalada Muqdisho – Xasan Maxamed Xuseen Muungaab

Haddaba dabagal dheer oo aay sameeyeen wariyaasha Caasimada Online ee Nairobi iyo Muqdisho ayaa ogaaday helayna dokumintiyo caddeynaya in Jay Bahadur oo loo magacaabay in uu yahay qabiir dhinaca hubka ee hay’adda SEMG (Somalia Eritiria Monitoring Group). Halkan Riix oo horay u ahaa nin wax ka qora burcad badeeda oo madaxbannaan. Waxaa uu saaxib dhow la ahaa wiilashii Maxamed Faroole.

Jay oo aanan u lahayn wax qibrad ah dhinka hubka iyo Afrika guud ahaan ayaa waxaa ku noqotay diplomaasiyiin badan filan waa magacaabidiisa. Waxaa uu ka qalin jebiyay Jaamacada Toronto Bsc Cilmiga Siyaasada iyo dhaqaalaha, sanadkii 2007

Dabagalka dheer oo aay sameysay Caasimada Online ayaan ku soo ogaanay in Jay Bahadur uu leeyahay dallaaliin laaluushka uga soo qaada dadka loo heysto musuqmaasuqa iyo kuwa iyaga u keena oo uu ka iibsado dokumentiga sirta ah ee Dowladda Federalka ah.

Labada shaqsi oo aay Caasimada Online heshay caddeymahooda in aay la shaqeeyaan Guddigan Kormeerka iyo cunaqabateyna ee Qaramada midoobay ayaa kala ah
gamal_liban

1. Gamal Xasan – oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi
2. LIban Obsiye – oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha dibadda
3. Cabdusalam H. Cumar – Wasiirka Arrimaha DIbadda Soomaaliya

Shaqsiyaadka kor ku xusan oo aay ahayd in aay ku soo baxaan warbixinta ayaa Caasimada Online waxaa aay heshay macluumaad la xiriira in aay bixiyeen lacago laaluush ah si looga saaro warbixinta. Arrintan oo uu dalaal ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Gamal Xasan iyo Liban Obsiye ayaa waxaa aay ku guuleysteen in laga saaro shaqsiyaadka kor ku xusan, laguna bedelo booskooda shaqsiyaad kale oo aay xurguf siyaasadeed ka dhexeysay Safiirka Gamal Xasan.

Haddaba, waxaan idiin soo bandhigi doonaa macluumaadka markhaatiga ka ah musuqa iyo qiyaanada Gamal Xasan, Liban Obsiye iyo Wasiir Cabdisalaan. Waxaan weliba halkan idiinkaga sheegeynaa in Wasiir Hadliye loo haystay lunsashada lacago malaayiin ah intii uu ahaa lataliyaha Wasiirka Maaliyada Sharif Xasan iyo tii loo haystay warbixintan tii ka horreysay. Waxaa iyana jirto in lacagtii loogu talo galay difaaca badda oo ahayd $8 Million oo doollar uu wasiir Hadliye iyo wasiirkii ka horreeyay Cabdiraxman Beyleh aay ku shubteen qasnad Bangi ku yaalla Spain oo aan caddeynteeda idiin hayno. Waxaa kale oo jira heshiiskii uu la galay wasiir Hadliye dowladda Kenya oo ahaa in dacwadda Soomaaliya wada hadal lagu dhammeeyo oo aan waraaqdaasna idiin hayno.

Warbixintan midda ku xigta ayaan idiinkugu soo gudbin doonaa dhammaan macluumaadka aan helnay intii aan ku jirnay baaritaanka

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com