Daawo Sheekh Umal: Masaajidyada Garoowe iyo Boosaaso hal arrin ayaa looga dukan la’ yahay.!!

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah mashaa’iqda Soomaaliyeed ayaa mar kale ka hadlay waxa loogu yeero jihaadka ee ka socda dalka Soomaaliya meelo ka mid ah, isagoo sheegay in arintaasi lagu qaldayo caamada iyo da’yarta oo waxa socda ay yihiin wax qaldan oo la saaray magacii Jihaadka.

“Waxa aad wadaan marka miisaanka shareecada la saaray ma ahan kii diintu sheegtay, Nin culumaa oo 80 jir ah oo salaad casir ku jiraa dili oo dhiigiisa baneysaneysaa, markaasaa i leedahay Jihaad ayaa wadaa ee Jihaadka wax haka sheegin” ayuu yir Sheekh Cabdi Umul.

“Masaajidii ayaa lagu tukan la yahay, Garowe ayaa tegay, oo Boosaaso ayaa tegay, oo Qardhaan maray, 24 saac waardiye ayaa saaran, Salaada marka lagu jiro, afarta dhinac korkaada waxaa taagan waardiyeyaal hubeysan oo amaanka u furan, waxay ilaalinayaan qof dhaqdhaqaaqaya, yaa laga waar diyeynayaa dadkaan tukunaya, Mujaahid ayaa laga waardiyeynayaa” ayuu yiri Sheekh Umul oo is weydiiyay sidee qof Muslim ah oo diin yaqaan loogu qancin karaa Muhaajid qof muslim ah oo tukunaya looga waardiyeynayo.