Amisom oo gacanta ku soo dhigtay kooxaha dila Weriyeyasha .

Amisom ayaa maanta daboolka ka qaaday in nolasha lagu soo qabtay dhowr qof oo dil ugaystay Wariyaasha ka howlgala Muqdisho.

Cali Adan Xumad oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in howlgalo magaalada laga sameeyay ay jiraan dad gacanta lagu soo dhigay.

Afhayeenka Wuxuu sheegay in dadkaasi qaarkood ay ka danbeeyeen dilalkii qorsheesnaa ee loo geestay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgalayay Muqdisho.

Cali Aadan Xumud Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan dad kale oo ay baaritaano ay ku socdaan isla markaana markii ay dadkaasi ku cadaado in la soo taagi doono maxkamad.

Wuxuu sheegay in Amaanka Magaalada Muqdisho sugideeda ay ku guulaysteen Ciidankooda dhawaana ay si rasmi u howlgali doonaan Ciidamada Booliska.