Ciidamada Amisom oo maanta isbadal uu ku dhacayo (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) Taliye y dhashay dalka Burundi ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u la wareegaya howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyahan cusub oo lagu magacaabo gaashanle sare Silas Ntigurirwa, wuxuu xilka kala wareegayaa Gen. Andrew Gutti oo u dashay dalka Uganda kaasoo xilkaas hayay tan iyo bishii May sanadkii 2012.

Waa markii ugu horreysay oo Burundi ay la wareegto howgalka AMISOM tan iyo sannadkii 2007-da xilligaas oo ciidamada AMISOM ay yimaadeen Soomaaliya.

Xaflad ka dhici doontaa magaalada Muqdisho ayaa maanta ay xilalka ku kala wareegi doonaan labada taliye, waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan madax ka tirsan Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Howgalka AMISOM ayaa ciidamada ugu badan waxaa ku deeqay dowladda Uganda, waxaana ciidamada ku jira ay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burund,Jabuuti, Sierra Leone, iyo Kenya, sidoo kale Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ku biiri doonta howlgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

Caasimada@live.com