Dhageyso: Habar-Gidir oo ku eedeysay Talyaaniga dagaalka Sh/Hoose, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaaladii u dhaxeeyey beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal ee gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheeko kale oo yaab leh ay kusoo korartay kadib markii ay beesha Habar-Gidir ay sameysay eedeyn yaab leh.

Mas’uul ka tirsan beeshaas, oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Talyaaniga ay ka dambeyso dagaalka, islamarkaana ay maalgelineyo beesha Biyo-Maal, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay xog ku heleen in siyaasiyiin Direed ay dowladda Talyaaniga kula shireen Nairobi, ayna ka dhaadhiciyeen qorshe cajiib ah, oo dowladda Talyaaniga ogoleysiiyey inay maalgeliso dagaalka.

Halkan hoose ka dhageyso mas’uulka Habar-Gidir, oo faahfaahinaya eedeynta cusub ee la xiriirta dagaalka Shabeelaha Hoose.

gabar-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com