DEG DEG : Habar-gidir iyo Biiyamaal oo ku dagaalamaya Lambar 50 (Warbixin)

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus uu iminka ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo maalmahan ka socday deeganno badan oo hoosta gobalka Shabeelaha Hoose, kuwaasoo ay u dhexeyaan maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal.

Dadka deeganka aya sheegaya in la maqlayo daryanka rasaas xooggan oo ay isweedaarsanayaan labada dhinac, waxaana adag in la helo xog badan maadama xilliga ay tahay aroor horre.

Dhinaca kale, dagaallo goos-goos ah ayaa xaley waxa ay ka dhaceen deegannadii labadii maalmooda ay ka socdeen  sida tuulada Busley oo ka tirsan Jannaale.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dagaaladan maalintii afarraad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose oo salka ku haya dhul beereed la isku hayo.

Faah-Faahin goordhow kala soco Shabakadda Caasimada Online