Ammaanka KISMAAYO oo la adkeeyay iyo dilal ka dhacay magaalada

Kismaayo (Caasimada Online) Ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta aad la adkeeyay, kaddib markii iska hor imaad uu ka dhacay magaalada.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Caasimada Online, in magaalada lagu arkayo ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, habeenkii xaley waxaa magaalada lagu toogtay labo qof oo rayid ah, waxaana dilay dhallinyaro ku hubeysan bastoolado.

Ammaanka magaalada Kismaayo ay u muuqda mid faraha ka baxay waxaana magaalada ka dhacay dilal dhowr oo ah loo geestay dad rayid ah iyo xubno xiriir la leh maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com