Arag Sawirka Somali loo heesto qarixii Nairobi oo ay Kenya soo bandhigtay

Nairobi (Caasimada Online) Booliska Kenya ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo la sheegay in uu xiriir la lahaa weerarkii lagu qaaday Bas nooca dadweynaha oo Khamiistii lagu qarixiyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya David Kimaiyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  Xusseen Nuur Maxamed oo 21-jir ah in uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday basaska nooca Matatu oo lagu qarxiyay Pangani.

Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegay in ay ku dhimmatay in ka badan 3o kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Pic151213Mr. Kimaiyo ayaa ku celceliyay Tuhunsane Xuseen Nuur in looga baahan yahay in uu hor yimaado sharciga si su’aalo loo waydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wiilkan eedaysanaha ah horray loogu eedeeyay falal argagixiso oo Kenya ka dhacay balse markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Ugu dambeyn taliyaha ciidamada booliska Kenya ayaa bulshada Soomaalida iyo kuwa Kenya uu ka codaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada wiilkan Soomaaliga ah.

Wixiii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Nairobi, booliska waxa ay howgallo ka sameeyeen xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii waxaana ay qabqateen Soomaali badan.

Waxaa kaloo jira wara sheegaya in dad careesan ay gaaraaceen gabar Sooomaali markii uu qaraxa dhacay kaddib, waxaana gabadhan hadda lagu daweynayaa isbitaalka ku yaalla Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com