Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka jawaabay amarkii kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo ahaa in ciidamada AMISOM aysan mari karin wadada Maka Almukarama.
Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM oo la hadlay Idaacadda Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in warkaasi uu ku arkay baraha Bulshada oo kaliya, islamarkaana aanu jirin wax loosoo gudbiyay.
Mr. Joe Kibet oo ah afhayeenka u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan usoo gudbin warqad uu ku cadeynayo amarka looga mamnuucayo inay adeegsadaan wadada Maka Al Mukarama.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale waxaa uu tilamamay in AMISOM aysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .