AMISOM oo wadda olole cusub oo ay kusii joogeyso Soomaaliya iyo Shiinaha…

Kampala (Caasimadda Online) – Iyadoo dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo ay wado dadaal dheer oo ku aadan sidii Ciidamada AMISOM looga maarmi lahaa isla markaasna loogu badali lahaa Ciidamo Soomaaliyeed ayaa waxaa dhanka kale socdo qorsho ay wadaan dowladaha ay ciidamadooda joogaan Soomaaliya, kuwaas oo raadinayo hab kasta oo ay kusii joogi karaan.

Madaxda qorshahaas wado waxaa ugu horeeyo kuwa dowladda Uganda oo ah wadanka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Somaaliya.

Ra’isulwasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda oo kulanka la qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee wadanka Shiinaha, waxayna labada Mas’uul ka wada hadleyn arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd tan Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Uganda ayaa waxaa uu weydiistay Gudoomiye Wang Yang inay ka taageerto dowladiisa sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Soomaaliya, maadaama dalka Shiinaha uu kamid yahay wadamada taageera xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiye Wang Yang ayaa u ballan qaaday Ra’isulwasaaraha dalka Uganda inuu ka caawin doono arrintaas isla markaasna ay iska kaashaan doonaan waxyaabo badan.

“Maadaama aan kamid nahay dalalka ciidamada ku tabarucay howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya, waxaan ka dooneynaa in Shiinuhu nagu garab siiyo sidii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay noogu sameyn lahaa Muddo kordhin,” ayuu  yiri Rugunda.

Talaabadaan ay qaadeyso dowladda Uganda ayaa imaaneyso iyadoo  Dhawaan ahayd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamada Soomaaliya iyo dowladooda loo ogolaado inay masuuliyadda amaanka dalkooda dib loogu noqodo, taasoo saraakiisha AMISOM walaac ay ka muujiyeen, maadaama ay Soomaaliya ka heleen lacag aad u badan.

Dowladda Uganda ayaa waxaa howlgalka AMISOM ku wehliyo wadamada Djibouti, Burundi iyo Ethiopia waxaana muuqato inuusan howgalkaan kusoo dhamaan doonin waqtiga loo qabtay taasoo niyad jab ku noqon doonto ciidamada Soomaalida oo lahaa hami ah inay la wareegi karaan amniga Soomaaliya inkastoo aysan dhisneyn ciidamo awood leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr jeer ku celceliyey in laga maarmi doono AMISOM isla markaasna la dhisi doono ciidamo Soomaaliyeed oo booskaas buuxiyo balse weli arrintaas jidkeeda lama hayo oo waxaa socdo qorshooyin ay wadaan dowladaha ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya kuwaas oo aan marnaba ku qanacsaneyn inuu soo dhamaado howgalkaas mashruuc ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com