Ammaanka hoyga Sheekh Shariif oo la adkeeyay iyo arrin la filayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu la kulmo Saxaafada magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif, ayaa maanta la filayaa in si rasmi ah uu ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweyninimo.

Sheekh Shariif ayaa Musharaxnimadiisa kaga dhawaaqi doona Munaasabad aad u ballaaran oo uu maanta qabsan doono, waxaana la tilmaamayaa in mar kale taageerayaashiisa ay sameyn doonaan bandhig siyaasadeedkii ugu weynaa muddo kaddib.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale, mas’uuliyiin farabadan oo qaarkood ka tirsan Dowlada Xassan Sheekh ku qaabilaaya Guriga uu iminka ka degan yahay agagaarka KM4.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amaanka Guriga Madaxweynihii hore uu ka degay agagaarka KM4, waxaana sidoo kale meelo ku dhow Gurigaasi la dhoobay ciidamo kale kuwaasi oo ka gaashaamanaaya in taageerayaasha Sheekh Shariif halkaasi ay ku dhigaan dibadbaxyo lagu taageeraayo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com