Xog: immisa maalin ayay dib u dhaceysaa qorshahii doorashada sanadkaan 2016

Muqdisho (Caasimada Online)-Maalintii shalay waxaa socday qorshe la doonayay in gudiga madaxa banaan ee doorashada Soomaaliya ay ku dhawaaqaan dib u dhac ku yimid doorashada sanadkaan.

Gudiga oo saxaafada ugu yeeray hotelka Jazeera ayaa markii dambe ku wargeliyay ineysan hadli doonin oo ay jiraan murun iyo isqabqabsi dhexdooda ah.

Xogo cusub oo aan heleyno ayaa sheegaya in maanta gudiga ay ku dhawaaqi doonaan dib u dhaca doorashada, sida qorshaha uu yahay haddii aysan wax iska badalin.

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in 14 maalin la qorsheeyay in dib u dhaca uu ahaado, taasi oo ka dhigan in doorashada madaxweynaha ay dhacdaa bartamaha bisha Novembar.

Marar badan ayuu dhacay dib u dhaca ku yimid qorshaha loo dajiyo doorashooyinka sanadkaan oo ah kuwo xiiso badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com