Amnesty: Waa in deg deg loo sii daayaa Cabdalle Muumin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa looga hadlay xariga Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta ee SJS Mudane Cabdalle Axmed Muumin oo haatan u xiran dowladda.

Amnesty International ayaa shaaca ka qaaday in si sharci darro ah loo xiray Cabdalle, isaga oo ku guda jiray difaaca xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in xariggiisa uu kor u qaaday walaaca ay qabaan Wariyeyaasha Soomaaliya oo haatan wajahaya xaalad adag.

Sidoo kale Amnesty International ayaa qoraalkeeda ku sheegtay xoghayaha la xiray, ayada oo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka dalka.

“Xarigga hormuudka difaaca xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda, iyadoo lagu marmarsiyoonayo amniga qaranka waxay farriin u diraysaa saxafiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo cid kasta oo ku dhiirrata inay diidmo kala hortimaado dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda Amnesty International.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa ugu baaqday in xorriyaddiisa dib loo siiyo Cabdalle Muumin, waxayna sheegtay in uusan jirin wax dambi ah oo uu galay, sida ay hadalka u dhigtay.

Cabdalle Muumin iyo ururada kale u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii dowladda ee lagu mamnuucay baahinta wararka la xiriira Al-Shabaab.