AMNESTY oo 10 qodob ka dalbatay XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, ayada oo talooyin usoo jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu weli ka dhabeyn ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriiray arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, amniga iyo cadaaladda shacabka.

“Lix bilood kadib markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, weli dowladdiisa kama aysan dhabeyn ballan qaadyadii ay sameysay ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan caddaalad iyo amni,” ayey tiri Amnesty International.

“Bishii May 2022, dowladdu waxay sheegtay inay mudnaanta siin doonto arrimo ay ka mid yihiin amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta bulshada. Si kastaba ha ahaatee, go’aan iyo waxqabad dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo hagaajiyo oo mudnaanta loo siiyo xuquuqda aadanaha, si loo xaqiijiyo la xisaabtanka xadgudubyada, iyo in la ilaaliyo rayidka,” ayey tiri Amnesty.

Amnesty ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay soo saartay hay’addu 10 qodob oo ay kula talisay inuu qaado madaxwynaha, si uu ugu saleeyo tallaabooyinkiisa.

Halkan hoose ka aqriso:-

1- In la ilaaliyo xuquuqda rayidka.
2- Dib u habaynta nidaamka garsoorka.
3- In la xaqiijiyo caddaaladda iyo magdhowga xadgudubyada ay geystaan ciidamada shisheeye.
4- In la dhowro lana ixtiraamo xoriyada hadalka.
5- Dammaanad qaad iyo ilo ku filan helitaanka xaqa caafimaad ee qof kasta.
6- In la ilaaliyo dadka gudaha ku barakacay lana joojiyo raritaan qasab ah.
7- In la ilaaliyo xuquuqda carruurta.
8- In la Ilaaliyo haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda bini’aadantinimo lagana ilaaliyo xadgudubyada galmada.
9- Ka-hortagga isbeddelka cimilada iyo xasaradaha kale.
10- In la dhiso oo la hawlgeliyo Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.