Dhageyso: HirShabeelle oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay dagaalka Cadale

Cadale (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka qarxay aaggaa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde oo la hadlay BBC ayaa sheegay in qiyaastii 30 oo reer miyi ah lagu dilay dagaalladii aagga Cadale ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

“Waan ka tacsiyeyneynaa dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, dadka dagaalamaya waa walaalo, ma sheegi karno waxa sababay in maalin kasta wiilal dhalinayaro ah colaadaan loo aaso,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha dhaqanka iyo culumada ugu baaqay in colaadaan ay ku baxaan, si loo demiyo, “Dadku waa maleeshiyaad oo tira koob lagama hayo, laakiin dhimashadu waa 30 qof,” ayuu yiri.

Wasiirka Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in colaada halkaas ka jirta ay dhowr weji leedahay, “Sanadihii dambe qabaa’ilku siyaabo kala duwan ayey u dagaalameen, qeyb dhul beereed isku heysata, qeyb daaqsin isku heysata iyo kuwa waxa ay isku dilayaan aan garaneyn ayey isugu jiraan dadkaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda Cadale la dhigayo gogol xal looga gaarayo colaadaan, taas oo madaxweynaha HirShabeelle uu garwadeen ka noqonayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga