Anas Khaliil: Soomaaligii qorsheeyey inuu qarxiyo kaniisadda Vatican City

Rome (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku saabsan qorshaha isku ballaarinta caalamka ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in markii ugu horreysay tan iyo markii la aas-aasay 2015, ay Daacishta Soomaaliya qorsheysay weerar ka baxsan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa tiri in bishii December 2018, ay mas’uuliyiinta Talyaaniga ay gobolka Bari ku xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Moshin Ibraahim oo loo yaqaan Anas Khaliil, isaga oo lala xiriirinayey shirqool lagu qarxin lahaa kaniisadda St. Peter’s Basilica ee ku dhex-taalla xarunta Vatican City ee magaalda Rome, 25-kii December 2018.

Gudidga ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey isaga oo gacan ka helay dowladda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday xiriir ka dhaxeeyey Cumar iyo xubno ka tirsan Daacish oo ku kala sugan Somalia, Kenya iyo Libya.

Anas Khaliil waxa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari bishii October ee 1998.

Waxa uu dalka Talyaaniga kasoo galay Sicily daba-yaaqadii 2016 isaga oo dalbanaaya gargaar bani’aadannimo.

Ka hor inta uusan soo galin Italy, Anas Khaliil waxa uu ku noolaa magaalada Nairobi ka hor inta uusan sanaddii 2016 u safrin Libya, halkaasi oo uu tababar ku qaatay.

Anas Khaliil ayaa waxa uu xiriir la lahaa Abu Ayman Al Kinye oo ah sarkaal Daacish u qaabilsan dhanka saadka iyo socdaalka. Abu Ayman ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo jeedo dalka Kenya.

Anas Khaliil ayaa waxa uu deganaa magaalada Bari ee Koonfurta Talyaaniga, intii uu dhaxeysay bishii March 2017 illaa December 2018. Intii uu joogay Talyaaniga waxa uu xiriir joogta ah la lahaa xubno Daacish ah oo ku sugan Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, wada-sheekeysi taleefon oo la dhageystay ayaa laga ogaaday in Anas Khaliil uu diyaarinayey shirqool uu bam ku dhigayey kaniisadda St. Peter’s Basilica, maalinka ciidda kirismiska ee December 25 2018.

Kadib wada-sheekeysigaas, ayaa waxaa Anas Khaliil xiray mas’uuliyiinta Talyaaniga, si looga hortago inta uusan ku dhaqaaqin qorshihiisa qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com