Anwar Qarqaash oo mar kale shaaciyey cida abuurtay khilaafka Imaaraat-ka iyo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in khilaaf Siyaasadeedka xiligaan kala dhexeeya dowlada Somalia ay sabab u tahay dowlada Qadar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Qadar ay sabab cad u tahay khilaafka heerka xun gaarsiisan ee kala dhexeeya Somalia.

Anwar Maxamed Qarqaash, waxa uu farta ku goday in Dowlada Qadar ay muddo fog ka shaqeyneysay sida colaad Siyaasadeed looga dhex abuuri lahaa Somalia iyo Imaaraadka, hase yeeshee ay hirgashay.

‘’Muddo badan ayey soo soctay in khilaaf laga dhex abuuro aniga iyo walaalaheena Somalia’’

“Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta Midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan”,ayuu yiri wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda  Imaaraadka Carabta.

Anwar Maxamed Qarqaash, waxa uu ku adkeysaday in cilada aysan aheyn Heshiiska Berbera balse ay tahay mid la abuuray, waxa uuna farta ku goday in Heshiiskaasi ay la galeen dowladii Hore, halka Somaliland ay dul joog ka aheyd Heshiiska.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, ayaa Mar kale ku celiyay in ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in aysan dhicin doonin khilaafka hadda taagan in uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.