Masar oo ka walaacsan joogitaanka Turkiga iyo Qatar ee gudaha Somalia iyo khilaafka…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Masar ayaa waalac xoogan ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta waxaana xukuumadda Qaahira ay ka dalbadeen in ay dadaal ku bixiso sidii looga gudbi lahaa khatar dhanka amaanka ah oo  gobalka soo food saarta.

Xeer dheerayaal Masaari ah ayaa sidoo kale sheegay in ay ka warqabaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaana ay carabka ku dhufteen in Qatar iyo Turkiga ay  ay lug ku leeyihiin, iyagoo sheegay in Masar aysan xuduud la wadaagin Soomaaliya, laakiin ay ku dherirsantahay Marinka Muhiimka ah ee gacanka Carbeed oo sii maraya Badda cas oo dhanka Yeman looga sii gudbi karo.

“ Soomaaliya waxeey muhiim u tahay amaanka dalka Masar iyo wadamada Carabta gaar ahaan Gacanka Carabta” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga Liberka ee dalka Masar Nagui al-Shehabi, waxa uuna intaasi ku daray in Masar aysan ka aamusnaan Karin awoodaha gobalka isku haya si xaaladda loo dejiyo.

Qatar Iyo Turkiga ayeey ku eedeeyeen Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Masar in ay huriyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Abu Dhabi, waxaana ay sheegeen xasilooni darrada Soomaaliya in khatar gelin karto gacanka Baab Al-manda, kanaalka Suweys ee dalka Masar iyo Badda Cas.

“ Amaanka Soomaaliya wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay nabadgalyada Masar, waqooyiga Africa iyo gacanka carbeed” sida uu Nagui al-Shehabi u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo  intaas ku daray in dalkiisu uusa ka baaqsan doonin inuu qeyb ka qaato nabadgalyada ugu jirta gacmaha dalalka kale.

“Masar waxeysan ugu maarmi Karin in ay khifaaka Soomaaliya soo farageliso waa  ururka  Ikhwaanul Muslimiin oo laga mamnuucay Masar waxaana Qaahira ay ka soo horjeedaa  in dal kale uu ka dhismo waana danaha ay leedahay dowladda Masar, sidaasi waxaa yiri Masaari falanqeeye siyaasadda.

Masar ayaa sidoo kale dareen feejignaan ah kaga jirta Howlgalada Qatar Iyo Turkiga ee geeska Qaaradda Africa iyo koofurta badda cas waxaana ay sheegtay in saameyn ku yeelan karto dhaqdhaqaaqa argagaixsada Gobalka ee Masar wado.

Bartamihii bishan April Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo  kan Masar Cabdifitax Al-Ssisi ayaa ku wada hadlay Khadka Telefoonka waxaana ay ka wada hadleen xeriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixsada.

“ Faragelinta Soomaaliya lagu hayo  waa mid lagu wiiqayo dalka, ugu dambeyna waxeey saameyn amaan ku yeelan doontaa dalalka Carbeed” Tarek Fahmi oo ah Professor wax ka dhigo Jaamacada Qaahira ayaa sidan u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo ugu baaqay dalalka Masar, Baxreyn, Sacuudiga iyo Imaaradka in ay arintan farageliyaan si ay u ilaashadaan Amaankooda.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: The Arab Weekly