Sawirro: Taabit Cabdi oo 5 kun oo dollar ugu deeqay xiddigaha xulka qaranka ee 17 jirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xulka qaranka ee 17 jirada ugu deeqay lacag.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xulka Qaranka  ee 17 jirada ee Maanta ciyaarayo Finaalka Koobka Bariga iyo bartaha Africa  ugu deeqay ilaa 5 Kun oo Dollar.

Guddoomiyihii hore ayaa lacagtaas ku wareejiyey guddiga Caawin Qaran oo ay ku dhawaaqeen Wariyayaasha Magaalada Muqdisho si loo garab istaago xulkeena Qaranka Soomaaliya ee soo hooyey guushaan weyn.

Taabit ayaa lacagtaas usoo wakiishay Cabdulaahi Cismaan Faarax oo ka tirsan guddiga #CaawinQaran, waxaana lacagtaas lagu wareejiyay guddiga.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Burundi ayaa Maanta waxa uu qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya.

Taabit oo goobjoog ka ah Ciyaarta  xulka Qaranka Soomaliya ay la leeyihiin dhigooda dalka Tanzania,isaga oo horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taageeraan Ciyaartoyda Soomaaliyeed e tartanka uga qeyb galaya Wadanka Burundi.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Thaabit oo Maanta qado sharaf u sameeyey xiddigaha xulka Qaranka: