Muuqaal: Farmaajo oo telefoon kula hadlay ciyaartooda iyo maamulka xulka qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Bujumbura ee dalka Brundi.

Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ka qeyb galo daawashada ciyaarta kama danbeysta ah ee fiinaalka koobka da’yarta dalalka Bariga iyo bartamaha Afriak ee CECAFA oo Soomaaliya iyo Tanzania ay isugu soo hareen.

Socdaalka madaxweynaha oo ku saabsanaa dhiirgelinta xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka ayaa ugu danbeyn la kansalay kadib markii ay xaalad kasoo korortay magaalada Beledweyne oo daadad ka dhashay fatahaad ay waxyeelo ka geysteen.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleeda ayaa u dhoofay halkaasi, iyadoo ay madaxtooayda bixisay kharashaadka weriyeyaal fara badan oo wafdiga sii raacay.

Madaxweynaha ayaa maanta telefoon kula hadlay ciyaartoyda xulka Soomaaliya, isagoo ku dhiirigeliyay inay la yimaadaan ciyaar xirfad leh oo ay koobka ku guuleystaan.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com