Guddiga doorashada BF oo ka Jawaabay wararka sheegaya in lagu hayo faragalin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xukuumada Somalia ay faragalin lixaad leh ku heyso arrimaha doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee la filaayo inay dhacdo maalinta beri ah.

Faragalinta ayaa la sheegay inay ka imaaneyso dhanka Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la socto howlaha gaarka ah, sida ay sheegayaan Xildhibaanada qaar.

Hase ahaatee, Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanu jirin wax faragalin ah oo kaga imaaneysa dhanka Xukuumada.

‘’Waxaa jira Xildhibaano iyo Musharaxiin sheegay in faragalin lagu hayo arrimaha doorashooyinka, waxaan qirayaa inaanu jirin wax faragalin ah oo lagu hayo howsheena’’

‘’Xukuumadu naguma heyso wax faragalin ah anaga ayaa u madaxbanaan howsheena si wanaagsan ayeyna ku soctaa’’

Waxa uu Guddoomiyaha cadeeyay in been abuur ay tahay wararka sheegaya in faragalin lagu hayo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Nuur Iidow Bayle, ayaa sheegay in shaqada ay mareyso waqtigii ugu dambeeyay ee gaba gabada ah, maadaama maalinta berri ah ay qabsoomeyso Doorashada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli ay taagan yihiin 11 Musharax oo ku loolami doona doorashada, iyadoo aanu jirin cid ilaa iyo hadda is casishay.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta berri ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dooran doonaan shaqsiga ay u xushaan inuu noqdo afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com