Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo boqol kun dollar ugu deeqay dadka ku dhibaateysan Baladweyne

Muqdisho (Caasimada Online)– Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inay deeq lacageed oo dhan $100,000 ugu deeqeen dadka dhibaatada kasoo gaartay fatahaada webiga Shabeelle ee ku barakacay magaalada Baladweyne.

Kullan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa waxaa lagu magacaabay guddi gurmad oo ka qeyb qaata gargaarka dadkaasi dhibaateysan.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay iyadoo laga jawaabayo baaqa bulshada dhibaataysan ee Hiiraan inay ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo dollar (Boqol kun oo dollar), si wax loogu qabto dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadda.Xubnaha Guddiga uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, waxana xubno ka ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal heer gobol ah, waxayna ka shaqeyn doonaan in shacabka Caasimadda ay dhaqaale ka aruuriyaan.Magaalada Baladweyne ayaa ka taagan xaalad bini’aadanimo, iyadoo in ka badan 150 kun qoys ay ka barakaceen guryahooda iyo cuduro ka dhashay fatahaada webiga.

Dowladda federaalka ayaa wax wafdi ah u dirin gobolka Hiiraan, hase ahaatee waxaa laga sugayaa jawaabta iyo kaalinta mas’uuliyada ka saaran shacabka.