DF oo wada qorshe muhiim u ah koboca siyaasada arrimaha dibadda dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho dib loogu soo celinaayo xiriir Siyaasadeedkii kala dhexeeyay dowladaha qaar ee iminka aanu muuqan xiriirkooda.

Xukuumada ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in dib loo soo nooleeyo xiriirka lumay ee Somalia kala dhexeeyay dowladaha kale ee aan xiriirkooda muuqan.

Axmed Ciise Cawad oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya, ayaa sheegay inay xooga saari doonaan sida dib loogu soo nooleyn lahaa xiriirka.

Xiriirka Somalia kala dhexeeya dowladaha kale ayuu tilmaamay inuu ahmiyad gaarau leeyahay diplumaasiyada ay kobcineyso Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay ka dhabeynayaan dib usoo celinta xiriirka ay Somalia la laheyd dowladaha kale.

‘’Waxaanu dooneynaa in Somalia aan ka dhigno Soomaalidii hore, waayo waxaa noo door ah inaan marka hore lasoo laabano xiriirka dibadda ee Somalia kala dhexeeya dowladaha kale’’

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya, ayaa cod dheer ku sheegay in Somalia ay qaadi doonto talaabo dheereysa, si loo helo kobaca dhaqaale ee dibadda.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa ka liidata xiriirka dhanka dibadda tan iyo markii ay dhacday dowladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com