Abiy Ahmed “Heshiis aan la baalmarno DF lama gali doono maamul goboleed”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ahmiyad gaara siin doonto xiriirka diplumaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa tilmaamay in adduunka oo idil uu garanaayo xiriirka soo jireenka ah ee Ethiopia kala dhexeeya Somalia.

Abiy Ahmed, ayaa sheegay inuu sii wadaayo Heshiisyadii ay horay Somalia ula gashay Ethiopia, waxa uuna ballanqaaday inaanu dhici doonin baalmarka heshiiskaasi.

‘’Waxa uu qorshaha xukuumadeydu yahay inaan nooleyno xiriirka aan la leenahay Somalia anagoo tixraaceyna Heshiisyada aan horay ula galnay dowlada Somalia’’

‘’Heshiisyada dowlada Somalia kama hormarin doono mid maamul Goboleed, waxa uuna Heshiis waliba saldhig u noqon doonaa raali ahaanshiyaha dowlada Somalia’’

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa intaa ku daray ‘’Waxaan raaci doonaa nidaamka dowladeed, ma dhici doonto inaan heshiis la baalmarnaa dowlada Somalia oo aan la galno maamul Goboleedyo ka tirsan Somalia’’

Mr Abiy Ahmed, ayaa cadeeyay inay ahmiyad gaara siin doonaan Heshiisyada Dowlada Somalia, waxa uuna Somalia ugu baaqay in dhankeeda ay ka dhowrto Heshiisyada.

Haddalka Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa imaanaya xili ay dowlada Somalia wado dadaalo ay dib ugu soo nooleyneyso xiriirkeeda, waxa ayna dhawaan sifooyin sharci ah awood ugu maquunisay dowlada Imaaraadka oo ka beyrtay sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com