Doorashada Guddoomiyaha BF oo lagu wado inay maanta ka dhacdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaa oo dhawaan uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Doorashadan oo ah mid adag ayaa waxaa ku tartamaaya Musharaxiin miisaan leh, waxaana kamid ah Wasiirkii Gaashandhiga Somalia Mursal.

Dadka qaar ayaa ku jahwareersan saadaalinta cida suuragalka ah inay qabato xilka, waxaana sidoo kale jirin cid loo saadaalin karo xilkaas.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa xaqiijiyay in maanta ay dhaceyso Doorashada, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay wadato Musharax ka mid ah xubnaha tartamaya, kaasi oo ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, balse waxaa laga dhawr sugayaa sida ay maanta wax u dhacaan.

Docda kale, Ciidamada Booliska Soomaaliya oo caawimaad ka helaya kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay ammaanka wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka oo Doorashada ay ka dhaceyso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com