Amniga Xarunta Baarlamaanka oo aad loo adkeeyay & Ciidamo dheeri ah oo la geeyay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo aad u faraban la geeyay xarunta baarlamaanka Somalia oo saacado un ka hor ay gacanta ku hayeen ciidamo Boolis ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamo dheeri ah la geeyay Xarunta oo ay hor tuban yihiin ciidamo aad u xoogan oo ay ku jiraan Militery koofi cas ah.

Ciidamada ayaa la wareegay dhammaan amniga waddooyinka gala xarunta iyo kuwa ku dhow dhow, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarunta maadaama ay ka dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada ugu badan ee hadda ku sugan xarunta ayaa ah Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Militeriga iyo Midowga Afrika ee AMISOM oo isticmaalka waddooyinka u diiday shacabka.

Wadada Makka Al-mukarama iyo eeryada Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa laga mamnuucayaa inay maraan Mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda ee maraya agagaarka xarunta Golaha Shacabka ayaa laftirkooda la hubinayaa si looga hortago falal ka baxsan amniga inta ay socoto Doorashada.

Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa u tartamaya ilaa 11 Musharax, waxaana Hotelada Magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo looga arinsanayo Doorashada maanta dhaceysa.

HOOS KA AKHRISO MUSHARAXIINTA ILAA IYO HADDA TARTAMEEYSA:

1- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan

9- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

Dhinaca kale, Qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota Muqdisho, waxaana Xarunta kusii diyaar garoobaya Xildhibaanada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com