Ciidamo ku sugnaa Jiida dagaalka Somaliland oo u goostay maamulka Puntland (Tirada)

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay usoo goosten ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugnaa Jeeda hore ee dagaalka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay lasoo goosteen Gaadiid iyo Hub farabadan kuwaa oo lagu wareejiyay Saraakiisha ciidamada Puntland ee qaabilay ciidamada soo goostay.

Maamulka Puntland oo soo bandhigay ciidamada ayaa guud ahaan sheegay inay dhan yihiin 110 Askari oo ka tirsan Militeriga Somaliland.

General Saciid Shoobe, oo ah Taliye ku-xigenka guud ee ciidanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa maamulka.

Generaalka wuxuu tilmaamay inay diyaar u yihiin iska difaacida dagaal kaga yimaada maamulka Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada kasoo goostay Somaliland ay geyn doonaan jiida dagaalka.

Cumar Farawayne oo isna ah Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa dhankiisa ka sheegay in ay soo dhaweynayaan Ciidankan kasoo goostay Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, waxa uu sidoo kale, cadeeyay in Ciidamadan ka soo goostay Maamulka Somaliland ay qeyb ka ahaayen Guutada Gacan Libaax oo fadhigooda uu ahaa Jiida hore ee Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale, Maamulka sare iyo Saraakiisha ciidamada ayuu ugu baaqay inay si wanaagsan ula dhaqmaan ciidamada soo goostay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com