Sawirro Cusub: Sidee ayey Qabanqaabada doorashada uga dhex soctaa xarunta Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay doortan Guddoomiyaha hogaamin doona Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha doorashadiisa loo tartamaayo ayaa waxaa bilowga bisha aan ku jirno iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ka socda qabanqaabadii ugu danbeysay waxaana halkaa ku sugan dhammaan xubnaha Guddiga Doorashada.

Xildhibaannada iyo musharixiinta qaar ayaa haatan ku sugan Xarunta Golaha Shacabka, waxaana si weyn loo adkeeyey amniga Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo eeryada xarunta lagu arkayo Ciidamada Booliska oo garab ka helaya Militeriga iyo ciidamada AMISOM.

Loolanka ugu adag ayaa dhexmari doona ilaa iyo 5 Musharax, kuwaas oo kala ah:

1-Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal

2-Musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

3-Musharax Saalim Caliyow Ibrow

4-Musharax Ibraahim Isaaq Yarow

5-Musharax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka-Almukarama ayaa aad loo adkeeyay waxaana la filayaa in goor dhow ay bilaabato doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.