Sawirro cusub: Xildhibaanada iyo Musharaxiinta oo ku diyaar garoobay Xarunta ay ka dhaceyso doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku xarooday Hoolka ay doorashada ka dhici doonto.

Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaaanka kana tirsan Guddiga Doorashada ayaa inoo xaqiijiyay inuu buuxsamay Kooramka, waxa uuna tilmaamay in Xildhibaanada codeyneysa ay diyaar u yihiin cod bixintooda.

Waxa uu intaa ku daray in Xildhibaanada hadda xaadirtay Xarunta ee diyaarka u ah doorashada ay gaarayaan 261 Xildhibaan.

Guddiga ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabi doonaan doorashada, isla markaana ay ku saleyn doonaan doorashada nidaam sax ah oo ay ku qanci doonaan Musharaxiinta.

11 Musharax ayaa u taagan tartanka doorashada kuwaa oo isugu jira kuwo heysta taageero iyo kuwo aan heysan wax taageero ah.

Ma cadda cida ku guuleysan doonta doorashada waxaase jira warar sheegaya in ilaa laba Musharax ay wadato Xukuumada Somalia.